Dowlada kuwait oo ka mid ah dowladha ugu Qanisan Dalalka Khaliijka ayaa waxay dalka Soomaaliya sanaddihii la soo dhaafay siisay Deeqo kala duwan tan iyo wixii ka danbeeyay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay .
Boqortooyada Kuwait gaar ahaan Xafiiska Zakadka ee dowlada kuwait ayaa si Rasmi ah shaaca uga qaadey in ay jiraan dad badan oo dhibaateysan kuwaasi oo ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya,
waxayna shaaca ka qaadey in ay si dhaqsi ah u tegi doonaan dhulkaasi.
Kuwait waxay ay diyaarisey lacag boqolaal kun oo Diinaar ah taasi oo la doonayo in Raashin iyo weliba qalab kale loogu iibiyo dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan Koonfurta dalka,
Kuwaas oo aan haysan cunto ku filan,
Dowlada dalkaasi ayaa diyaarisay lacag dhan 506 kun oo Diinaar.
waxayna sheegtay in loogu tala galay badbaadinta iyo u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee aan wax haysan intooda joogta koonfurta iyo Bartamaha Dalka.
Sidoo kale kal hore Dowlada Kuwait waxaa ay aheyd Dowladihii sida weyn uga dhex muuqdey badbaadinta iyo u gar gaarida dadka Soomaaliyeed ee aan wax haysan kuwaasi oo ku nool gudaha dalka.
waxaana jirey lacago iyo weliba maraakiib gar gaar ah oo ay dalka keeneen wakhtigaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.