Maxaa bari kala heysta Xulalka Soomaaliya iyo Burundi…?

jiinka November 24, 2012 Comments Off
Maxaa bari kala heysta Xulalka Soomaaliya iyo Burundi…?

Waxaa maalinta Axada ah ka dhici doonta garoonka kubada cagta ee {Kampala stadium} Cayaar ka mid ah Cayaaraha Tar-tanka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa oo Sanadkan ay martigalinayso Uganda.

 

waxaa socanay diyaar garow xoogan oo kooxaha Cayaaraha ugu horeeya ee Cayaarta lagu furayo ayaa kala ah Xululka Kubada Cagta Soomaaliya iyo Burundi.

 

Soomaalida ku nool magaalada Kampala ee wadanka Ugandha ayaa wada qaban qaabo xoogan oo ay ku doonayaan ka qeyb qaadashada Cayaarta ugu horeysa.

 

waxaana ay ku ballameen duhurnimada Axadda ah in ay isugu yimaadaan Xaafadda {Kesenya} si halkaas basas dhaa dheer uga raacaan iyaga oo gacmha ku sita Calanka Soomaaliyeed si ay u buuxiyaan garoonka una muuiyaan wadani-nimadooda Soomaaliyeed.

 

Cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.