Prof. Jawaari oo sheegay in ay ku dadaali doonaan soo celinta sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed

jiinka November 23, 2012 Comments Off
Prof. Jawaari oo sheegay in ay ku dadaali doonaan soo celinta sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay iney ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan {Jawaari} ayaa sheegay in Baarlamanka Soomaaliya ay ka go’antahay sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku lahaayeen wadamada caalamka.

 

‘’waxaanu ku dadaali doonaa sidii aan ku soo celin laheyn sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo gaarsiino marki ay tagaan wadamada caalamka in ay ku faanaan Soomaalinimadooda’’.

Afhayeenka Baarlamanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti aan sidaa u sii fogeyn ay dib u soo laabandoonto sharaftii iyo tixgelintii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku lahaayeen caalamka,
Taasina waxa ay ku imaaneysaa ayuu yiri dowladnimadeena oo aan adkeeyno,
Kuna dadaalno sidii aan u soo celin laheyn sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan wadamada caalamka.

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.