Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa iminka waxa uu ka socda degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
xaafadda Suuq boocle ee degmadaas ayaa dagaalka uu salka ku hayo guri ku yaalla xaafadda Suuq boocle, halkaasoo la isku heesto.
Dagaalka oo hadda socda wax ka badan saacado yar ayaa waxa ay qalqal galiyeen dadkii salaada Jimcaha ku tukanayay masjidyo ku yaalla xaafadda Suuq boocle ee degmada dharkeenley.
Sidoo kale dagaalka ayaa la sheegay in uu hakad galiyay dhaqdhaqaaqii suuq boocle oo ku yaalla degmadaas.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday degmada Dharkeenley oo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.
Rasaas culus ayaa laga maqlayaa xaafaddo ku yaalla degmada Dharkeenleey oo ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon Muqdisho.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.