marka ay ahayd 19ka November 2012,si rasmi ah xilka ugu wareejisay Wasiirka cusub Drs. Maryan Qaasim Axmed.
Wasaaraddan ayaa lagu magac daray Wasaaradda Horumarinta adeegga Bulshada Soomaaliyeed madaama ay mas’uuliyadeedu tahay inay ka shaqeeyso dhammaan adeegga bulshadu u baahan tahay sida Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Haweenka/Dhallinyarada Shaqada iyo Isboortiga.
Drs. Maryan Aweys ayaa uga warbixisay Wasiirka cusub xaaladda ay Wasaaraddu ku soo shaqeeysay muddada ay joogtay ayadoo hawl-qabadka lagu soo bandhigay Power Point si wanaagsana ay u daawadeen Wasiirka cusub iyo marti sharfta kale ee ka soo qaybgashay xafladdan xil-wareejinta.
Wasiiradu waxay ku dheeraatay in ay ka warbixiso dadaalka ay Wasaaraddu sameeysay ayagoo kaashanayay Ururada Bulasha Rayidka iyo Ururada Haweenka Gobolka Benaadir ayna muujiyeen karti dheeri ah sidii loo samata bixin lahaa Umadda Soomaaliyeed ee ku habsaday dhibaatooyinkii isugu jiray dagaalo sokeeye,
Abaaro iyo daruufo kale oo nolosha la xiriirta. Waxay xustay dadaalka laga muujiyey in ay Haweenku ku yeeshaan xukuumaddan.
jagooyin muhiim ah taas oo ay ku tilmaantay inay tahay bilow wanaagsan oo mahadeedu Allaah ka sokow ay leeyihiin Mas’uuliyiinta sare ee xilka waddanka hayay si aan leex-leexad lahayna u taageeray dalabka iyo codka Haween-weynaha Soomaaliyeed.
Anigoo ilaabeynin mahad-celinta sida ay u tixgeliyeen Codka Haweenka jawaabna uga bixiyeen mas’uuliyiinta la doortay ee uu u horeeyo Madaxweyne Prof.
Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Prof. Saacid si simanna u soo magacaabay xukuumaddan.
Wasiiradu waxay tiri waxaan ku faraxsanahay in aan ku soo dhoweeyo Walaashayda Drs Maryan Qaasim oo horey uga soo shaqeeysay Wasaaraddan, waxaan sidoo kale aan ku faraxsanahay in aan arkayo sansaan nabadeed iyo dowladnimo jacayl.
Taas oo ah niyadsamida mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay xilka isugu wareejinayaan,
runtii waa arrin Ummadda Soomaaliyeed waqti hore ugu dambaysay loona baahan yahay in dib loo soo nooleeyo cashar wanaagsana ay u noqoto mas’uul kasta oo xil loo dhiibo.
Ama wareejinaya madaama xilku yahay wareegto, qofkii uu RABBI u calfana uu qabanayo. .
Waxa kale oo ay ballan qaaday inay la shaqeeyn doonto Wasiirka cusub inta ay kala qabsanayso halka ay hawluhu maryaan.
Gabagabadii waxay u mahad celisay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda oo uu u horeeyo Agaasimaha Guud,
Maxamed Cumar Nuur sheegtayna in guusha maanta ay gaartay ay sabab u yihiin dhammaan shaqalaha Wasaaradda la’aantoodana aysan waxba suuragali lahayn.
Waxay ku dar-daarantay in kor loo qaado xiriirka Haweenka Soomaaliyeed min gobol, degmo ilaa tuulo si loo adkeeyo midnimada Haweenka Soomaaliyeed iyo weliba kuwa waddanka dibadiisa ku nool.
Xil-wareejinta ka dib Wasiirka cusub Drs. Maryan Qaasim ayaa ayaduna u mahad-celisay Wasiirkii hore iyo dadaalka ay muujisay muddada ay xilka haysay taasoo ah marag ma doonto.
Drs Maryan Qaasim waxay caddeysay in ay la socoto xaaladda ay shaqaalaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan kuna dadaali doonto sidii ay horeyba ugu dadaashay inay helaan mushaar joogto ah madaama laga baxay xilligii ku meel gaarka ahaa lana doonayo in la helo miisaaniyad qorsheeysan oo lagu shaqeeyo.
Drs Maryan Qaasim waxay sheegtay inay horey u sii wadi doonto qorshaha shaqada ee u degsan Wasaaradda kalsooni bandanna ay ku qabto in Wasiirkii hore ay gacan ka heli doonto.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.