XUBNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO BOOQANAYA MAGAALADA GAZA..

jiinka November 22, 2012 Comments Off
XUBNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO BOOQANAYA MAGAALADA GAZA..

Xubno ka tirsan Baarlamanka Carabta oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan magaalada Qaza si falastiiniyiinta ay ugu muujiyaan sida ay uga xunyihiin dhibaatada soo gaartay.

 

Xildhibaan Maxamed Dhalxa oo xubin ka ah Baarlamanka Carabta kana mid ah Mudnayaasha Baarlamanka Soomaaliya isagoo ku sugan magaalada Qahira in xubno uu ka mid yahay oo ka socda Baarlamanka Carabta ay maanta booqadoonaan magaalada Qaza si ay u xaqiijiyaan dhaqan galka heshiiskii xabadjoojineed ee ay kala saxiixdeen Falastiin iyo Israa’iil.

 

Prof. Dhalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in xubnaha ka socda Baarlamanka Carabta ay falastiin u muujindoonaan sida ay uga xunyihiin waxyeelada loo heystay shacabka reer falastiin, isla markaana ay hubindoonaan dhaqangalka xabadjoojinta iyo in Qaza laga qaaday go’doominta.

 

Falastiin iyo Israa’il ayaa xabad joojin ku kala saxiixday magaalada Qaahira, kadib Todobaad markii duqeymo geystay qasaare badan ay dhexmarayeen Labada dhinac, tanina waxey ku timid dadaal uu madaxweynaha Masar oo gacan ka helaya caalamka uu u galay heshiisiinta labada dhinac.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.