Wasiirka Wasaarada Howlaha guud iyo Dib u Dhiska oo kormeer ku Tagay Dekada iyo Airporka

jiinka November 21, 2012 Comments Off
Wasiirka Wasaarada Howlaha guud iyo Dib u Dhiska oo kormeer ku Tagay Dekada iyo Airporka

Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Wasaarada Howlaha guud iyo dib u dhiska oo ay wehliyaan agaasimaha Guud Wasaarada Gaadiidk Cirka, Dhulka, Badda & Dekadaha iyo masuuliyiin kale.

Ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagey Dekada iyo Garoonka Diyaarada ee Aadan Cade .
Ugu horeyn ayaa waxa uu Wasiirku ku hormarey Dekada Magaalada Muqdisho oo halkaasi kulan kula qaatey Madaxda iyo howl wadeenada Dekada Magaalada Muqdisho.

Ka dibna waxa uu usii gudbey Garoonka Aadan Ade international Airport halkaas ayuu sidoo kale waxa uu kula kulmey maareeyaha guud hay’ada duulista saadaasha iyo hawada Soomaaliyeed.
Mas’uulyiinta shirkada Diyaaradaha iyo rag ka tirsan shirkada SKA waxaana halkaasi wasiirka war bixin ku siiyey Meereeyaha Guud Hay’ada duulista iyo Saadaasha hawada Eng Cali Maxamuud Ibraahim .

 

Agaasimaha Guud Wasaarada Gaadiidk Cirka, Dhulka, Badda & Dekadaha Maxamed Cusman Cali Dhagaxtuur oo booqashada ku wehliyey Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u Dhiska oo halkaasi ka Hadley ayaa aad u amaaney Maamulka Garoonka iyo Qaar ka mid ah wada shaqeynta Wacan ee dhex martey .

 

Ugu dambeyn wasiirka holw guud iyo dib u dhiska Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy oo ka Hadley goobtaasi ayaa sheegey in ragii soo wadey howsha garoonka mudooyinkii ugu dambeeyey ay yihiin meshiinka howsha garoonka ay ku socotey .

 

Dhinaca kale wasiirka hore Gaadiidk Cirka, Dhulka, Badda & Dekadahaoo shalay xilka ku wareejiyey wasiirka cusub ee Howlhaga guud iyo dib u dhiska waxa shahaado sharaf gudoonsiiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi taasoo ku aadan wax qabadkiisa howleed .

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.