Mid ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo habeenkii labaad u xiran Gen. Gaafow.

jiinka August 19, 2012 Comments Off
Mid ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo habeenkii labaad u xiran Gen. Gaafow.

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in habeenkii labaad uu xalay ku baryey mid ka mid ah xabsiyada magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inuu xiray mid ka mid ah saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya oo dacwad ku soo oogay.

 

Waxaa habeenkii labaad Muqdisho ku xiran Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, kaas oo u

u sheegay Webku inuu u xiranyahay Taliyaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda KMG Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow oo ku eedeeyay inuu been ka sheegay.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa waxaa la xiray xildhibaankan ka dib markii uu Gaafow ka qoray dukumenti sir ah oo lagu sheegayo in lacago badan uu lunsaday Gen. Gaafow, wuxuuna warku intaasi ku daray in xildhibaanka la xiray uu ku xigeen u ahaa jiray Gen. Gaafow, haatanna ka mid noqday Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ma jirto cid xaqiijineysa sababta loo xiray xildhibaankan iyo cidda xirtay toona, marka laga reebo warar hoose oo ay warbaahinta qoreen, waxaana haddii ay run noqoto arrinkan ay noqoneysaa xildhibaankii ugu horeeyay oo la magacaabo isagoo xasbi ku jira.

Comments are closed.