Wariyaha idaacadda BBC-da uga soo warama Muqdisho oo La Xiray

jiinka November 21, 2012 Comments Off
Wariyaha idaacadda BBC-da uga soo warama Muqdisho oo La  Xiray

Weriyihii BBC-da Laanta ku hadasha Afka Soomaaliga ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aaden ayaa Maanta oo arbaco ah xabsiga loo taxaabay kadib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku eedeysay inuu kasii daayay BBC-da war uu uga been abuurtay.

 

Wararka qaar ayaa sheegay in weriye Ibraahim lagu xiray Xabsiga Dhexe kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay dood u socotay isaga iyo Xubno ka tirsan Maxkamadda inkastoo markii dambe loo jaray warqad lagu xirayo.

 

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan Xiritaanka weriyaha oo ay soo saartay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somlaia.

 

Waa markii ugu horreysay oo ay maxkamaddu xabsiga dhigto weriye ka howlgala muqdisho

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.