Wasiirka wasaaradda difaaca dalka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Britain kuwaas oo uu kala hadlay xiriirka labada dowladood.
Kulanka uu la qaatay wasiirka difaaca dalka wafdiga ka socday dowladda UK oo uu hoggaaminayay safiirka dowladaasi ay u soo magacaawday Soomaaliya Matt Baugh,
waxaana intii uu socday kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo sidii dalka Soomaaliya looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka ee saran.
Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in muhiimada kulankooda uu ahaa xoojinta cilaaqaadka,
taageerida ciidamada qalabka sida iyo dhismaha xarumaha ciidanka.
Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in uu safiirka kala hadlay sidii dalka Soomaaliya looga qaadi lahaa cuna qabateynta saaran ee dhanka hubka ah isagoona u balan qaaday in dowladda Britain ay codka ogolaashaha siin doonto waqtiga laga hadlayo qaraarkaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.