Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda iyo Dekedaha oo maanta xilka kala wareegay

jiinka November 20, 2012 Comments Off
Wasiirka Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda iyo Dekedaha oo maanta xilka kala wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud iyo Gaadiidka Badda iyo Dekedaha.

Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaadiidka Cirka, Badda iyo Dhulka. Aadan C/llaahi Aadan,

kaddib markii maanta xaflad ballaaran ay ka dhacday xarunta Wasaaraddaasi ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xil wareejinta oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin isugu jirtay Xildhibaano, Wasiiro, Wasiir K/Xigeeno, Maareeyeyaal,

 

Agaasimayaal guud iyo Agaasimayaal waaxeed, guud ahaan shaqaalaha wasaaradahaasi, Odayaal, Culumaa’udiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay isla markaana aan horay uga dhicin munaasabado la mid ah magaalaa Muqdisho, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dkedaha.
Maxamed Cusmaan cali (Dhagaxtuur) oo ka warbixiyay waxqabadkii Wasaaradda mudadii ay jirtay, wuxuuna sheegay in markii la soo magacaabay uu xilka Wasaaradaasi kula wareegay 17-shaqaale ah oo la isku soo ururiyay isla markaasna ku shaqeynayay xarun aan u qalmin in Wasaarad heerkaas gaarsiisan ay ku shaqeyso.

Agaasime Dhagaxtuur waxa uu intaasi ku daray in maanta Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ay maanta nasiib wanaag ku shaqeyso xarunteedii rasmiga ahayd oo qalabeysan isla markaanau dhameysan tahay qalabkii ay adeegga bulshada ku fulineysay, shaqaalaheeduna ay gaarayaan 120-qof oo shaqaale ah.
Wuxuu sheegay in Wasaaradu ku guuleysatay inay xarunteedii dayactirato dibna uga howlgasho iyadoo howlgelisay mashruuc ama warshad haatan sameysa Dokumentiyada lagama maarmaanka u ah gaadiidka kala duwan ee dalka sida Bantantayaasha,

 

Leysimada, Taargooyinka, sharciyada waddooyinka iyo iyadoo si rasmi ah u howlgelisay ciidanka Waddooyinka oo uu sheegay in laga dheehan karo waddo kasta oo Muqdisho ku taala iyagoo gudanaya waajibaadkooda qarameed,

 

waxa uu u mahad celiyay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradaasi iyo guud ahaan intii gacanta ka siisay howlahaasi ballaaran.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha waxaa kale oo uu sheegay in Wasaaradu dib u howlgelisay waaxda duulimaadyada (Civil A vision), Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed,

 

Wakaaladda Howlaha Maraakiibta, sidoo kale Wakaaladda ganacsiga WAGAD,

 

Wakaaladda Gaadiidka Qaranka iyo Hay’adda Somali Airlines ay yihiin qorshaha ugu horeeya ee Wasaaraddu ku talo jirto inay dhawaan dib u howlgeliso,

wuxuuna ballanqaaday in dhammaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda ay la
Intii lagu gudi jiray munaasabada xil wareejinta waxaa kale oo iyana ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Aadan C/llaahi Aadan,

 

shaqeynayaan Wasiirka cusub sida ay ula shaqeeyeen wasiirkii hore.

Wasiir K/Xigeenkii Wasaaradaasi C/raxmaan Xuseen Kulmiye iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradaasi Saciid Maxamed Qoorsheel ayaa sheegay in marka hore ay soo dhoweynayaan Wasiirka cusub isla markaana ay ku faraxsan yihiin munaasabadda maanta ka dhaceysa

xarunta wasaaradaasi oo ay xilka ku kala wareegayaan Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore,

 

iyagoo hoosta ka xariiqay in iyagu markii ay xilka la wareegayeen Wasiiradii ka horeeyay ay munaasabad ka dhacday gudaha Airporka ay xilka kula wareegeen,

 

balse maanta Ilaahey mahadiis ay xarunta Wasaaradda Gaadiidka xilkii ku wareejinayaan, taasoo dadaalkeeda ay leeyihiin mas’uuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud, Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).
Madaxdii hore ee Wasaaradaasi ayaa sheegay inay Wasiirka cusub ku wareejiyeen dhammaanba dokumentiyada iyo qalabka ay ku howlgasho Wasaaradda, isla markaana shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub sida ay iyagaba ula shaqeeyeen,

 

waxaana halkaasi shahaado sharafta koowaad lagu guddoonsiiyay Agaasimaha Wasaaradaasi.

 

Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur), iyagoo Wasiirka cusub ka codsaday una caddeeyay Wasiirka cusub inuu maanta taagan yahay meel uu ka ambaqaadi karo howlaha shaqo ee Wasaaradaasi.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka Badda iyo Dekedaha. 

Muxudiin Maxamed Kaalmooy iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi ayaa kala saxiixday Dokumenti caddeynaya xilka wareejinta oo ay ku qeexan yihiin dhammaanba wakaaladaha iyo waaxyaha hoos taga Wasaarada.Hadal kooban oo wasiir Kaalmooy ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayuu u mahad celiyay sida ay u soo dhoweeyeen madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradaasi.

wuxuuna sheegay inuusan hadal badan u furneyn hase yeeshee waxa uu sheegayo ay tahay in waxa horyaala aysan kaligiis hor ooline ay u taallo waaxda sugaya maamulka iyo shaqaalaha,

 

wuxuuna ka codsaday inay gacan iyo gaashaanba ku siiyaan gudashada waajibaadkiisa.

 


cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.