MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY WAFDI KA SOCDAY QARAMADA MIDOOBAY

jiinka November 20, 2012 Comments Off
MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY WAFDI KA SOCDAY QARAMADA MIDOOBAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday laamaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.

 
“UN-ku dadaallo ayuu ku bixiyey Soomaaliya, ummadda Soomaaliyeed aad ayey ugu mahad naqeeysaa caawintaas labaatankii Sanno ee ugu dambeysay, waxaa hadda loo baahan yahay in Qaramadda Midoobay hal meel uga soo jeesato arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynuhu.

 

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay in ujeeddada kama dambeeys ka ah ee dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay in gargaarka laga gudbo lana wajaho dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in hey’adaha Qaramada Midoobay looga bahan yahay in ay hay’ad walba la shaqeeyso wasaaradda ay isku howl-yihiin isagoona tusaale u soo qaatay in hay’adaha WHO looga bahan yahay in ay la shaqeyso wasaaradda arrimaha bulashada si looga guul gaaro howlaha wasaaradaha horyaala.

 

Ugu dambeeyntii madaxweynaha ayaa ka dalbaday in Qaramada Midoobay in ay u soo guuraan Soomaaliya.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gamail.com

Comments are closed.