Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in saaka xaalada xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ay tahay mid degan oo aan dhibaato ka jirin.
Sida qaar kamid ah dadka ku sugan xaafada Islii ay inoo sheegeen xaalada ayaa saaka waxa ay tahay mid degan iyadoo aysan jirin rabshado ka taagan Islii.
Xalay ayaa Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya waxa ay isa saareen bandoow iskood ah oo aysan jirin cid ku amartay inay galaan bandoowgaasi balse ay ka dambeysay taasi cabsi xoogan oo soo foodsaartay Soomaalida.
Shalay oo dhan waxaa albaabada u xirnaa ganacsiga xaafada Islii oo ah halka ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah halkaasi oo ay ka taagneed rabshado kala duwan.
Arintani ayaa waxa ay ka dambeysay qarax bam oo lagu tuuray gaari minibus ah oo maraye xaafada Islii halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa lix ruux halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 15-kale.
Xaalada ayaa saaka waxa ay tahay mid degan iyadoona shacabka Soomaaliyeed ee kunool xaafada Islii ay soo foodsaartay cabsi xoogan oo ku aadan ugaarsiga dadka Kenyaanka ah ay ku hayaan Soomaalida.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.