Ugaaska Beesha Hintire Xaaji Xuseen Maxamed Macalin,oo ka codsaday in uu prof. Dalxa ka haro raadinta Baarlamaanka Cusub

jiinka August 12, 2012 Comments Off
Ugaaska Beesha Hintire Xaaji Xuseen Maxamed Macalin,oo ka codsaday in uu prof. Dalxa ka haro raadinta Baarlamaanka Cusub

Jamhuriyada Fidraaliga Soomaaliya

Ku: Guddiga Farsamada ee Xulitaanta Xildhibaanada DFS
Og: Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed
Og: Madaxda Dowladda Fidraaliga Soomaaliya
Og: Wakiilka UNPOS ee Arimaha Somaaliya
Og: Madaxda Ciidamada AU ee Soomaaliya;
Og: Dhamaan Saxaafada Xorta ah ee Warbaahineeda;
Og: Guddiga Turxaan bixinta ee IFISO
Og: Odayasha, Aqoonyahanada, Saraakiisha Iyo Bulsha Weynta Beesha Hintire

Ujeedo: Warsaxaafadeed ku Saabsan Xaalada Xulitaanka Beesha Hintire

Marka hore waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan, dadka waqtigooda qiimaha badan u soo huray sidaay ugu qeybgali lahaayeen warsaxaafadeedkaan aan rabno in aan ku soo bandhigno arimaha ku saabsan, Beesha Hintire ee Xulitaanka Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Sida aan ka warqabno, Beesha Hintire waa beel ka tirsan beelweynta Jareer ee degta degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose, taariikh iyo ilbaxnimo aad u fog leh ee dhinaca siyaasada, waxsoosaarka iyo dhaqan dhaqaale ee dalka soomaaliyeed. Beesha Hintire waxay ka soo qeeyb qaadatay, halgankii Xornimadoonka Umadda Soomaaliyeed, isagoo Khaliif Huudow Macalin oo ahaa aasaasayaashii Xisbigii SYL uu ka dhashay Beesha Hintire, waxayna soo martay marxalado kala duwan ee ku aadan isbel bedlka siyaasada Soomaaliyeed, laga soo bilaabo xiligii dalka xoriyadda raadinaayay ilaa iiyo haddo ay beesha kaga jirto meel aad u muuqda.

Anagoo ka faa’iddeysaneeyna taariikhda qotada dheer ee ay Beesha soo martay, ayay beesha Hintire laheeyd dhaqan iyo siyaasad ay wax ku wadaagi jirtay, iskagana dambeeyn jireen marka ay dhacdo, wax xalinta iyo wax wada qeeybsiga, sidaa darteed ayay beesha laheeyd oday dhaqan oo soo jiritaan ah, kaaso 20 kaan sanadood door wax ku ool ah ka soo qaatay isbed bedelka siyaasada laga soo bilaabo xiligii awood qeeybsiga ee shirkii Carte, kii Kenya iyo kii kaloo ee Jabuuti lagu soo dhisay dowladda Madaxweyne Shiikh Shariif, beesha waxay heshay xildhibaan, wasiir, iyo ku xigeenka kowaad ee Barlamaanka Fidraaliga Soomaaliyeed. Geedi socodkaasi waxaa jiray in uu soo xulaalay ama uu qeeybin jiray ugaaska Beesha Hintire Xaaji Xuseen Maxamed Macalin, oo kaalin wax ku ool ah u soo taray beesha xiliyadii adkaa ee siyaasada dalka soo jirtay. Xildhibaan Dhalxana gacatiisa ku soo qoray shirkii Kenya.


Haddan u soo daadego, dulacda guud ee warsaxaafadeedkaan, waxaa dhacday in xildhibaanka xiligiisa dhamaaday ee Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, in uu sameeystay oday gacan ku rimis ah oo isaga Jaakad, Cimaamad iyo Koofiyad u soo galiyay, shilimaadna siiyay Ciidanka ilaaliya Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, si ay u soo eryaan xoogna ugu soo saaraan odayga rasmiga ah ee Beesha Hintire, uguna bedesho Maxamed Cismaan Oorow oo ah oday gacan ku rimis ah Dhalxa isaga sameeystay, cid uu matalana uusan jirin uu halkaas geeystay, Askari ilaaliyana lacagtii qaranka ka lunsaday ku siiyo si uu u ilaaliyo ugaaska been abuurka ah ee isaga samaaystay, uuna rabo in uu isaga soo qoro magaciisa, iyadoo ay jiraan aqoon yahano, rag iyo dumar ah buuxin kara shuruuraha laga rabo xildhibaanka, nasiib daro uu Dhalxa ku cadaadiyay ugaaska isaga rimoodka u hayo in uusan qabanin wax arji iyo C.V ah ee kaga yimaada beesha Hintire.

Xadgudubyada ugu weyn ee Dhalxa ku sameeyay Beesha Hintire waa:
1- In u duudsaday maqaamkii Ugaaska Beesha Hintire lahaayd;
2- Kaalintii ay heli lahaayeen bulsha weynta Hintire ee xulashada xildhibaanka;
3- In uu afduub ku sameeyay sharaftii, qayimkii iyo masiirka guud ee Beesha Hintire, taaso ah mid aan suuragalin Karin, qoraxdana sacabka Dhalxa qarin Karin.
Sidaa darted waxaan ka codsaneeynaa dhamaan inta ogeeysiiska sida tooska ah ugu socoto:
1- In ay Beesha Hintire ka madaxbanaan tahay, waxa uu sameeyay Dhalxa, cidna aysan soo xulanin, isaga iyo ugaaska u jooga halkaasna aysan mataleenin Beesha Hintire;
2- Dhalxana uusan ku soo noqon Karin xildhibaanimada, isagoo 8 dii sano ee Baarlamaaka ku jiray waxa uu qabto iska dhaafee dhiiguu ka dhex daadiyay beesha dhexdeeda ilaa hadda qubanaayo,
3- In uu ku faanay laaluush siin odayaasha beesha Jareer Weyne ee mid ka mid ah isaga jeebka ugu jiro, kuna qasbay 3da oday in xoog ku qoraan, laaluushna ku qasbay si ay u soo qoraan.

Digniin: waxaan ugu digeeynaa Gudiga Farsamada, 3da Oday ee Jareer weyne ugu jira goobta, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin dib u soo qoridda Dhalxa maadama beesha Hintire uusan ka wakiil aheyn. Beeshana ay soo xulaneeysa cidda u mataleeysa Xildhibaanimada Beesha Hintire. Cidii isku dayda in ay iska indha tirto digniinta iyo baaqa Beesha Hintire in ay mas’uul ka noqon doonto dhibka ka yimaado falkaasi. Dhalxana mar labaad ku soo noqon doonin, uuna ku fadhiisan doonin Baarlamaanka magaca Beesha Hintire.
Wabilaahi Towfiiq

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.