Wasiirka cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya, Muxydiin Maxamed Kaalmoy ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka wasaaraddaas, isagoo Soomaalida ugu baaqay inay dagaalka daayaan ayna ka qaybgalaan dib u dhiska dalkooda.
Xafladda xil wareejinta oo ka dhacay dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda oo ay wasaaraddan ku shaqeynaysay ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
“Waxaan Alle ka baryayaa inuu mas’uuliyadda culus ii fududeeyo,” ayuu yiri Kaalmoy oo intaas ku daray: “Waxaan isku baraarujinaynaa in iskaashi lagu gaari karo meel walba,
Soomaalida waxaa lagu yaqiinnay waligeed inay dalkeeda dhisan jiray. Mana sugayno in dad shisheeye ay wax noo dhisaan.”
Mar la weydiiyay wasiirka waxyaabaha kala wareegay mas’uuliyiintii hore isaga ka horreysay ayaa sheegay inay ku wareejiyeen dhismayaal, qalab iyo hanti kale oo uu sheegay inay wasaaraddu lahayd.
Isagoo sheegay inay howsha halkeedii kasii wadi doonaan, wixii ku adkaadana ay la kaashan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka.
“Soomaalida kuwa gudaha ku jira iyo kuwa dibadda ku maqan waxaan ugu baaqayaa inay dagaalka daayaan ayna kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka.
Waayo howsha dib u dhiska waa mid ka adag mid la billaabayo sida ay sheegeen injineerro Soomaali ah,” ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu la kulmay shaqaalihii wasaaradda oo qaarkood soo shaqeynayay 10-sano iyo kuwo gadaal kaga soo biiray,
wuxuuna xusay inay si wanaagsan uu isago iyo shaqaaluhu u wada-shaqeyn doonaan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay iyo maanta ka socday munaasabado ay xilalka kula wareegayaan wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya,
iyadoo uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Saacid uu sheegay in golihiisa wasiirrada ay dadaal u geli doonaan sidii ay dalka isbedel uga dhalin lahaayeen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.