Gudiga farsamada barlamaanka cusub oo aqoonsiyo siinaya xubnaha ay soo xuleen

jiinka August 18, 2012 Comments Off
Gudiga farsamada barlamaanka cusub oo aqoonsiyo siinaya xubnaha ay soo xuleen

gudiga farsamada barlamaanka cusub ayaa waxaa uu wadaa qorshe uu aqoonsiyo ku siinayo xubnaha ay soo gudbiyeen habeenkii xalay…

Gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomalia oo saacado kahor soo gudbiyay liiska magacyada xubnaha barlamaanka ayaa waxaa ay ka hadleen arimaha soo xulida barlamaanka waxaana ay sheegeen in goor dhaw ay uqaybinayaan aqoonsiyo si dhawaan loo dhaariyo ayna uguda galaaan howlahooda shaqo ee loo xilsaaray .

Lagudoomiyaha gudiga farsamada soo xulida barlamaanka xaliimo yarey oo la hadashay Warbaahinta  ayaa waxaa ay sheegtay in ay hada ku guda jiraan sidii ay usii lahaayeen xubnaha barlamaanka cusub ee ay soo gudbiyeen aqoonsiyo sidoo kalena ay ku guda jiraan soo dhameestirka liiska Xildhibaanada cusub ee Soomalia oo ay sheegtay in wali ay soo dhamees tiri la yihiin beelaha qaarkood .

Waxaa ay sheegtay la gudoomiyuhu in ay xil dhibaanadaan soo gudbintooda ay ka mareen dhibaatooyin badan dadaalo dheeraad ah  ay ugaleen sidii loo heli lahaa xildhibaano tayo wanagsan leh oo dalka ka saaari kara dhibaatada uu ku jiro aadna ay ugu raja wayn yihiin in mudanayaaasha ay soo gudbiyeen ay yihiin kuwii Soomalia dhibaatada ka saari lahaa sida ay hadalka u dhigtay .

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.