Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumaddiisu ay wax weyn ka bedeli doono Xaaladda uu dalku ku jiro

jiinka November 19, 2012 Comments Off
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Xukuumaddiisu ay wax weyn ka bedeli doono Xaaladda uu dalku ku jiro

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wax weyn ka bedeli doonto xaaladda uu dalku ku jiro, kaddib markii uu hadal ka jeediyay munaasabad ay xilalka kula wareegayeen qaar ka mid ah wasiirrada cusub ee xukuumaddiisa.
Mudane Saacid wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal weyn u geli doonto sidii ay dalka uga samatabixin lahayd 20-sano oo colaado ah, kuwaasoo salfaday nafaf fara badan, kuwo kalena dhibaatooyin uga tagay.

 

“Dalkan wuxuu kusoo jiray dhibaato muddo 20-sano ka badan, xukuumadeyda aan hoggaaminayo waxay xoogga saari doontaa sidii ay Soomaaliya uga saari lahayd dhibaatooyinkii ay soo martay ayn ugu gudbin lahayd dalka barwaaqo iyo inuu soo laabto sharciga,” ayuu yiri Saacid Shir-doon.

 

Wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa xilalkooda kala wareegayay maanta iyo shaley oo Axad ahayd wasiirradii hore, waxaana xilal la wareegistan ay imaanaysaa iyadoo wasiirradii hore iyo kuwa cusub uu dhexmaray kulan isbarasho ah Sabtidii lasoo dhaafay.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay wuxuu ku cel-celiyay in isaga iyo xukuumaddiisa ay dadaal badan u geli doonaan sidii ay uga dhalin lahaayeen dalka isbedel weyn, isagoo xusay inay muhiimadda koowaad siin doonaan sugidda ammaanka.

 

Xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Saacid ayaa waxay noqnoaysaa tii ugu yarayd ee Soomaaliya laga dhiso, waxayna ka kooban tahay 10 wasaaradood oo laba ka mid ah loo dhiibay haween, waxaana wasaaradahaas ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

 

Inkastoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu dhowr jeer sheegay inay dadaal weyn u galayaan sidii ay dalka uga saari lahaayeen dhibaatada ayaa haddana waxaa hor-yaalla howlo adag oo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka iyo dib u dhiska dalka oo ay dagaallo burburiyeen.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.