Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay wasiirada arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa dhaariyay wasiirada arimaha dibada iyadoo lagu dhaariyay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirada ayaa ku dhaaratay in dalkeeda iyo dadkeeda ay wax uqaban doonto islamarkaana xilka loo dhiibay aysan si gaar ah ugu tagri faleyn iyadoo ilaalinaysa Diinta islaamka iyo Dastuurka Dowladda.
Wasiirada arimaha dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay kasoo noqotay dalka Jabuuti halkaasi oo ay kaga soo qeyb gashay shirka wasiirada arimaha dibada dalalka islaamka kaasi oo ka dhacay dalka Jabuuti.
Maalmo kahor ayeey aheyd markii wasiirada cusub ee Xukuumadda dalka Soomaaliya xarunta Golaha shacabka si toos ah halkaasi loogu dhaariyay iyadoo iminkaba qaarkood ay la wareegeen xilalka wasaaradahooda.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.