waxaa hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaalada Nairobi gaar ahaan Islii, ka dib markii uu saamayn ku yeeshay qaraxii shaley ka dhacay xaafadda ay Soomaalidu ku badan yihiin ee islii.
waxaa gabi ahaanba istaagay howlihii ganacsi iyo isu socodka gaadiidka xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Booliska Kenya ayaa wada baaritaano xoogan oo la xirira cidii ka dambaysay qarixii shalay ee sababay dhimashada dad badan, waxaa boolisku xabsiga u taxaabeen dad badan inkastoo qaarkood lasoo daayay ka dib markii ay boolisku ku waayeen wax dambi ah.
Dadka Soomaalida ah ee ku leh goobaha ganacsi ayaa dhibaato wayn ka soo gaartay qaraxaan ,
waxayna sheegeen markasta oo fal nuucaan ah uu dhaco dadka Soomaaliyeed noqdeen kuwo la bartilmaameedsado ayna la kulmaan xarig ay u gaysteen Booliska Kenya inta ay wadaan baaritaanada.
Ma ahan markii ugu horeysay ee qaraxyo ka dhacaan Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii , laakiin qaraxaan ayaa noqday mid saamayn ku yeeshay howlihii ganacsi iyo isu socodka dadka iyo Gaadiidka .
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.