QAAR KAMID AH WASIIRADA CUSUB OO MAANTA XILKA LA WAREEGAYA

jiinka November 18, 2012 Comments Off
QAAR KAMID AH WASIIRADA CUSUB OO MAANTA XILKA LA WAREEGAYA

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota munaasabado ay xilalka kula wareegayaan wasiiro ka tirsan Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya iyo wasiiradii hore.
Qaar kamid ah wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya xilalka waxaana wasiiradaasi kamid ah Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya oo uu kala wareegayo Wasiirkii hore C/qaadir Xuseen Jahweyn.

 

Sidoo kale wasiirada kale ee xilalka maanta la wareegayo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda cusub Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaarada qorsheynta qaranka.

 

Xaflad hada ka socota Xarunta Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ayaa iminka waxaa si toos ah xilka halkaasi kula wareegaya Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda cusub C/kariin Xuseen Guuleed.

 

Sidoo kale xaflado kale ayaa iminka qaban qaabadeeda ay socotaa kuwaasi oo xilalka si toos ah maanta ula wareegayaan qaar kamid ah wasiirada cusub.

 

Shalay ayeey aheyd markii wasiiradii hore iyo wasiirada cusub ay Muqdisho ku yeesheen kulan isbarasho ah oo labada dhinac dhexmaray.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.