Kooxda SHARBATLE oo hanatay koobkii Jeneraal Daa’uud, kadib markii 6 Gool ay ugu awood sheegatay dhalintii naadiga ARLAADI

jiinka November 18, 2012 Comments Off
Kooxda SHARBATLE oo hanatay koobkii Jeneraal Daa’uud, kadib markii 6 Gool ay ugu awood sheegatay dhalintii naadiga ARLAADI

Ciyaar lagu soo afmeerayo tartanka koobka Jeneraal Daa’uud ee ciyaaraha kubadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah ayaa Xalay lagu soo gabagabeeyay garoonka ciyaaraha ee Amiir Maajid ee ku yaala xaafadda Bawaadi ee magaalada Jeddah,

Iyadoo ay wada ciyaareen kooxaha Sharbatle Ajax iyo Arlaadi.



Cayaartii xalay ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee Finalka Koobka Jeneraal Daa’uud ee sida darandooriga uga socday garoomada Sharbatle ee magaalada Jeddah.
Kolkii ay saacadu ahayd 8.30 fiidnimo ayaa waxaa bilowday xafladii loogu talo galay xeritaanka Koobka Jeneraal Daa’uud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed,

Iyadoo ay si wanaagsan u soo qaban qaabiyeen Gudiga Bahda Ciyaaraha Jaaliyadda Soomaaliyeed oo uu hormuud ka ahaa Mudane Cabdulqaadir Nuur Magan “SEYGA” iyo Maxamed Cusmaan “MOSMAN”.



Xafladaas oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah,

sidoo kale ciyaartoydii kooxaha iyo cayaaryahanadii Soomaaliyeed ee berisamaadkii, ayaa waxaa lagu qeybiyay Shahaadooyin sharaf, iyo biladihii loogu talo galay kooxihii kasoo qeyb galay tartankaasi.

Xaflada kadib waxaa bilowday Cayaartii lawada sugayey ee dhexmartay kooxaha Sharbatle Vs Arlaadi, waxayna cayaarta ku bilaabatay weerar iyo weerar celis labada dhinac ah, iyadoo ay kooxda Sharbatle ku gacan sareysay labadii gelin ee ciyaarta.
Ciyaarta waxay socotaba waxay kooxda Sharbatle lasoo baxeen weeraro iyo xeelado aan horay looga baran waxay markiiba gool kaga naxsadeen kooxda Arlaadi oo runtii ka maqneyd jawiga ciyaarta, waxay mar labaad dhaliyeen goolal darandoori ah oo neefta ku celiyay kooxda Arlaadi.

Sidoo kale gelinkii dambe ee ciyaarta ayay hadana kooxda Sharbatle sii waday kacdoonkii ay ku sameysay cayaarta waxayna goolal kale la heshay shabaqii reer Arlaadi, waxayna ciyaartii kusoo gabagabowday 6 gool iyo Gool ( 6 – 1 ) oo runtii cayaar iyo natiijaba ay qaateen kooxda reer Sharbatle.

Mohamoud Sheikh Abdulkadir “Diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.