Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jartay olole ballaaran oo lagu talaalayo caruurta islamarkaana ay ka bilaabeen Degmooyinka kala duwan ee Gobalka Banaadir.
Agaasimaha Wasaarada caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamuud oo ka hadlay xaflada furitaanka talaalka Caruurta oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in wasaarada caafimaadka ay ku guuleestay bilaabida ololaha lagu talalaalayo caruurta.
Wuxuu sheegay in olalaha talaalka loogu talo galay caruurta ka yar shanta sano ee kunool 17-ka Degmo ee Gobalka Banaadir.
Agaasimaha ayaa wuxuu sheegay in talaalka caruurta ay garab kusiinayaan Hay’adaha WHO UNICEF oo kamid ah Hay’adaha ka howlgala dalka Soomaaliya wuxuuna socon doonaa muddo labo cisho ah sida uu sheegay.
Goobta ay ka dhaceysay Xaflada furitaanka talaalka Caruurta ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee Gobalka Banaadir kuwaasi oo goobta ka muujiyay sida ay uga hergilinayaan Degmooyinkooda talaalka caruurta.
Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa Cumar Cabdulle Cumar Jacfaan oo goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Degmadiisa aysan laheyn goob caafimaad oo ku taalo Degmadaasi aadna looga baahan yahay talaalida caruurta.
Tallaalka ayaa waxaa loogu talo galay caruurta yar yar kuwaasi oo looga hortagayo inay ku dhacaan cudduro kala duwan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gamil.com
Comments are closed.