R/wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda iyo Barlamaanka ay si dhab ah u wada shaqeeyndoonaan islamarkana xukumaddu ay la tashan doonto Barlamaanka.
Mudane Saacid R/wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xafladdii dhaarinta golaha Wasiirrada oo shalay ka dhacday Baarlamanka,
ayaa sheegay in xukuumaddu ay u shaqeyndoonto si hufan oo an mugdi ku jirin,
isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in uu wanaagsanaado xiriirka ka dhaxeeyay Baarlamanka iyo xukuumadda.
‘’Waanu idinla tashaneyna waana idiinlla imaandoonna wixii nagu adkaada xuquuqdiina waad heli doontaan wadashaqeyn wanaagsanna waanu yeelaneynaa aad baana ugu faraxsanahay inaan arko wadashaqeyn dhexmarta xukuumadda iyo Baarlamanka.
’’ Ayuu yiri R/wasaaha J.F.Somaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
R/wasaare Saacid ayaa hadalkan ka sheegay Baarlamanka hortiisa xilli shalay Baarlamanka lagu hordhaariyay inta badan xubnaha golaha wasiirrada Somalia.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.