Prof. Jawaari ”Barlamanka si dhab ah ayuu ula shaqeyndoonaa xukuumadda”

jiinka November 16, 2012 Comments Off
Prof. Jawaari ”Barlamanka si dhab ah ayuu ula shaqeyndoonaa xukuumadda”

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamad Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa sheegay in lagamamaarmaan ey tahay in la helo garsoor dhameystiran,

iyadoo sidoo kalana uu sheegay in Barlamaanka uu si dhab ah ula sheeqeeynayo xukuumadda shalay la dhaariyay.

 

Prof. Jawaari Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka hadlayay munaasabaddii dhaarinta ee shalay ka dhacday Baarlamanka ayaa sheegay in wadashaqeyn wanaagsan ay yeelandoonaan xukuumadda cusub ee shalay la dhaariyay iyo Baarlamanka si loo gaaro horumar dhan walba ah, isla markaana dhibaatada laga saaro dalkeenna.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata Prof. Jawaari ayuu xusay in lagama maarman ay tahay in la helo garsoor dhameystiran oo aas aas u ah dhowrista xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed,

isagoo tilmaamay in dhibaatada dalkeenna ka jirtay muddada dheer ay inteeda badan ka dhalatay grsoor la’aan iyo caddaalad darro.

 

”waa in la dhameystiraa dhismaha hey’adaha garsoorka si loo helo garsoor lagu kalsoonaan karo oo ummadda Soomaaliyeeed ugu adeega si caddaalad ah” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamanka.

 

Hadalka guddoomiyaha Baarlamanka ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay Baarlamanka hortiisa lagu dhaariyay inta badan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee dhawaan Baarlamanku siiyay codka kalsoonida.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.