Cutubyo Ka Tirsan Ciidammada Walaalaha Jabuuti Oo Maanta Beledweyn Lagu Soo Dhaweeyey

jiinka November 16, 2012 Comments Off
Cutubyo Ka Tirsan Ciidammada Walaalaha Jabuuti Oo Maanta Beledweyn Lagu Soo Dhaweeyey

Cutubyo ka socda Ciidammada Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka hiiraan.

 

Ciidamaddan oo ku biiraya isla ciidammo kale oo ka socda Jamhuuriyadda oo ku sugan magaalada Beledweyn islamarkaana ku howlgalaya magaca AMISOM ayaa waxaa barqanimadii maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee duleedka Beledweyn.

 

Ciidammadan markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Beledweyn waxaa halkaasi ay salaan sharaf kaga qaateen ciidammada Jabuuti ee Beledweyn uga horeeyey ayadoo loo garaacay Astaanta Calanka Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

 

Soo dhoweynta Ciidammadan waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiinta ugu sareeysa maamulka gobolka Hiiraan oo uu hogaaminayey gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

 

Gobolka Hiiraan Ciidammada ku sugan ee ka socda AMISOM ayaa tiradoodu ay sii korortay xiligan waxaana hada ay awood u leeyihiin iney kala wareegaan ammaanka magaalada iyo gobolkaba Ciidammada Ethiopia oo iyagu markii hore Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ku gacan siiyey in Beledweyn iyo deegaanno kale laga xoreeyo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.