Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhow lagu qabtay munaasabad lagu dhaarinayey inta ugu badan golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo dhowaan ay xilhibaannada Baarlamaanka siiyeen codkooda kalsoonida.
Munaasabadda lagu dhaarinayey Golaha Wasiirrada ayaa waxaa kasoo qeybgalay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayadoo uu xildhibaannada hortooda ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ceydiid Ilka Xanaf.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo khudbad u jeediyey wasiirrada markii la dhaariyey ayaa kula dardaarmay iney xilkooda u gutaan si hufan oo ay daacadnimo ku dheehantahay waxaana uu Alle uga baryey inuu la garab galo mas’uuliyadda culus ee ay qaadeen.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhaarinayey Wasiirrada ayaa ballan qaaday in Xukuumadda ay ku go’antahay iney dalka ka samatabixiso xaalada uu ku jiro waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeedba iney si hufan ula shaqeeyaan golihiisa Wasiirrada.
Drso Maryan Qaasim oo ah Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada oo ku hadleysay magaca Golaha Wasiirrada ayaa xustay in ay garansanyihiin Mas’uuliyadda saaran Golaha Wasiirrada iyo dhaarta ay u dhaarteen dalkooda,dadkooda iyo diintooda.
Wasiirrada maanta la dhaariyey oo lagu dhaariyey xarunta golaha shacabka ayaa tiradoodu waxey gaareysaa Sagaal wasiir ayadoo ay ka dhimantahay dhaarta wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda oo hada dalka dibaddiisa shaqo ugu maqan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.