Madaxweynaha dowladda Fedaralka ah ee Soomaaliya ayaa qaabilay wafdi ka socday dowladda Shiinaha oo uu hoggaaminayay madaxa shirkadaha dhismaha u qaabilsan arrimaha dibada qeybta Africa.
Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay wafdiga ka socday dowladda Shiinaha oo ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa looga hadlay sidii ay dowladda Shiinaha uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha dalka, Caafimaadka, Duulimaadka iyo dib u soo celinta kaabeyaasha dhaqaale.
Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxa dhismaha dowladda Shiinaha u qaabilsan dhinaca Afrika iyo la taliyaha shirkadaas.
Madaxa shirkadaha dhismaha u qaabilsan qeybta Africa Mr Lee Woo ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid muhiim ah kaas oo looga hadlay sidii ay dowladda Shiinaha uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo hormarka dalka Soomaaliya.
sidoo kale la taliyaha shirkada dhismaha dalka China ee qeybta Africa oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka caawin doonaan taageero dhan walba ah.
“waxaan ku talo jirnaa inaan Soomaaliya keeno illaa iyo 49 shirkadood kuwaas oo howlo kala duwan ka fulin doona gudaha dalka Soomaaliya” sidaana waxaa yiri la taliyaha shirkada.
Tan iyo markii dalka Soomaaliya uu yeeshay dowladda aan KMG aheyn ayaa waxaa soo kordhaya dowladaha shisheeye ee doonaya in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhinacyo kala duwan gaar ahaan dhinaca hormarka,
waxayna tani qayb ka tahay tallaabada ay dalka Shiinuhu ku doonayaan in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.