Wafdi ka socda dowladaha Iraan Iyo Turkiga ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wafdiga ka socda dowladaha Turkiga iyo Iraan ayaa waxaa kala hoggaaminayay wasiirada arrimaha dibada dalalka Turkiga iyo Iraan.
Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Turkiga Daa’uud Oglo iyo xubnihii la socday ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Sidoo kale wafdiga ka socday dowladda Iraan oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi Cali Akbar Saalixi ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qeyb xubno ka tirsan dowladda.
Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.