FRANCE IYO MAREYKANKA OO KU HESHIIYAY LA DAGAALANKA AL-SHABAAB

jiinka November 14, 2012 Comments Off
FRANCE IYO MAREYKANKA OO KU HESHIIYAY LA DAGAALANKA AL-SHABAAB

Dowladaha France iyo Mareykanka ayaa isku raacay heshiis ah in si wada jir ah Soomaaliya ay kula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida oo ah kooxo si weyn kaga soo horjeedo dowlada Soomaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

 
Labada dowladood ayaa sheegay inay kordhinayaan dadaalada ku aadan in Al-Qaa’ida iyo Al-Shabaab inay ka saarayaan Soomaaliya sida labada dowlada ay isku afgarteen.

 

Dowlada France waxa ay sheegtay in taageerida islamarkaana ilgaar ah ay ku eegi doontaa xaalada adag ee ka taagan Soomaaliya iyo sidii gacan ugu geysan lahayd la dagaalanka Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

 

Hada qorshuhu waxa uu yahay sidii taageero dhan walbo ah ay u siin lahayd dowlada France dowlada Soomaaliya oo iminka dagaalo ay kala soo horjeedaan Al-Shabaab si taasi loogu gudbo marka France waa horay u sii amba qaataa heshiisyo horay loo galay oo ku aadanaa la Dagaalanka Al-Shabaabka Soomaaliya iyo ajaaniibta ka bar bar dagaalameysa,

Sidaasi waxaa yiri Batiqeri oo ah Mas’uul ka tirsan dowlada Hoose oo warbaahinta gudaha wadankaasi ku lahadlayay.

 

Sidoo kale waaxda arimaha dibada dowlada Mareykanka ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin iskaashiga ku aadan la dagaalanka Al-Shabaabka Soomaaliya,

waxa ayna balan qaadeen sii xoojinayaan taageerida dowlada Soomaaliya iyo in Soomaaliya oo dhan laga saaro Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida,

dowlada Mareykanka waxa ay ka mid tahay dowladdaha ugu taageerida badan Soomaaliya marka loo eego la dagalanka argagixisada sida warbaxin ka soo baxday waaxda arimaha dibada Mareykanka lagu sheegay.

 

Dhanka kale dowladahani heshiiska ku wada gaaray la dagaalanka al-shabab ayaa waxa ay tilmaameen in hada soomaaliya sidii hore ay ka soo ka batay islamarkaana al-shabaab qeybo ka mid ah soomaaliya ay ka baxeen,waxaana ay sheegeen in ay dhameystiri doonaan qeybaha kale ee ka harsan.

 

Dowlada mareynkanka ayaa sida la ogyahay waxaa soomaliya ka geystaa taageero ku aadan in al-shabaab kula dagaalamno gudaha wadaanka soomaaliya iyo in taageero maaliyadeed iyo mid malitari uu siiyo dowlada soomaaliya,

Farancena iminka waxa ay dooneysaa in qeyb ka noqoto dowladaha soomaaliya kula dagaalamo.

 

Mareykanka dowlado dhowr ah ayay la-qaa’ida kula dagaalantaa oo soomaaliya ay ku jirto.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.