Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobay, dalbatayna in…

jiinka November 13, 2012 Comments Off
Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobay, dalbatayna in…

Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya waxay u gudbisay Qaramada Midoobay,

 

waxayna dowladda Soomaaliya ku eedaysay dowladda Kenya inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya,

 

isla markaasna ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya aysan ka amar-qaadan taliska guud ee ciidamada AMISOM, magaca ay sheegtaan ee ah inay AMISOM ka tirsanyihiin ay tahay been abuur.

 

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cumar Jamaal ayaa qoraal dacwad ka dhan ah Kenya u gudbiyey Qaramada Midoobay,

 

wuxuuna sheegay in Kenya ay faragelin qaawan oo aan geed loogu soo gamban ay ku heyso arriamaha gudaha dalka Soomaaliya,

 

isla markaasan magaalada Kismaayo aysan u qaban dowladda Soomaaliya, balse ay iyadu si xoog ah ku qabsatay,

 

wuxuuna safiirku intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay si toos ah u horjoogsadeen wafdi ka socday dowladda oo u kuurgeli lahaa arrimaha dhuxusha magaalada Kismaayo.

 

 

“Qaraal dacwad ah, kana ah dowladda Kenya ayaan u gudbiyey Golaga Ammaanka ee Qaramada Midoobay,

 

waxaan u sheegay Qaramada Midoobay in ciidamada Kenya laga wareejiyo gacan ku heynta Kismaayo, isla markaasna Kenya laga jaro dhaqaalaha ay ka hesho Qaramada Midoobay,

 

maadaama aysan ka mid aheyn ciidanka AMISOM, waxa ay sheeganeyso ee ah inay AMISOM ka mid tahayna ay yihiin waxba kama jiraan,

 

waxaana taas tusaale ugu soo qatay in wafdigii laga soo celiyey Kismaayo ay ku jireen wafdi ka socday taliska sare ee AMISOM oo iyaga xittaa loo diiday inay gudaha u galaan Kismaayo” ayuu yiri Cumar Jamaal.

 

 

Sidoo kale safiirku waxa uu sheegay in qoraalka ka dhanka ah Kenya ee gacanta ka saaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu sidoo kale ku sheegay inuu ku cadeeyay in dowladda Kenya ay khalalaase ku heyso xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya,

 

wuxuuna yiri sidoo kale qoraalkeyga waxaan ku sheegay in Kenya ay sii hurineyso colaad iyo dagaal dhexmara beelaha Sooamaliyeed, arrinkaas oo ah mid aan la aqbali-karin,

 

isla markaasna dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin falalka foosha xun ee ay Kenya waddo sida uu yiri.

 

 

Hadalka ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo todobaadyo ka hor wafdi isugu jiray dowladda Soomaaliya iyo AMISOM laga soo celiyey magaalada Kismaayo,

 

loona diiday inay gudaha u galaan magaaladaasi, waxaana diidmadaasi sameeyay ciidanka Kenya ee qabsaday magaalada Kismaayo.

 

cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.