Madaafiic culus oo la isku weydaarsaday magaalada Kismaayo iyo weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee…

jiinka November 13, 2012 Comments Off
Madaafiic culus oo la isku weydaarsaday magaalada Kismaayo iyo weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay markale la duqeeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni.

 

 

Sida warku sheegayo tiro madaafiic ah oo u badan hoobiyaal ayaa xalay lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo,

 

waxaana la sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa iyaguna ku jawaabay madaafiic culus oo ay ku ridayeen dhinicii ay hoobiyaasha uga soo dhacayeen,

 

waxaana la sheegay in weerarkaasi uu geystay khasaare aan la ogeyn inta uu gaarsiisanyahay.

 

 

Goob-jooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in xalay kooxo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo saldhigga booliska magaaladaasi,

 

halkaas oo ciidamada ku sugan labada goobood ay madaafiic ugu jawaabeen kooxihii weerarka soo qaaday,

 

wuxuuna goob-joogahaasi intaasi ku daray in madaafiicda la is-weydaarsanayey ay ku dhinteen dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidanka Kenya.

 

 

“Weerarka markale xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo magaalada ay ku suganyihiin wafdi ka yimid Kenya oo isugu jira Soomaali IGAD,

 

kuwaas oo doonaya inay maamul u sameeyaan magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka” ayuu yiri goob-joogahaasi,

 

waxaana xusid mudan inaysan jirin cid ka hadashay weerarada xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo madaafiicdii jawaabta aheyd ee ay ciidanka Kenya ku jawaabeen.

 

cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.