TACSI TIIRAANYO LEH (INNAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.)
Waxaa habeen hore ku geeriyooday gurigiisa goolhayihii hore ee naadiga Monishiibiyo Marxuum: Shariif Cali Cawad oo in mudo ah xanuunsanaa, waxaana shalay salaada Casir kadib lagu aasay qabuuraha AL-ASAD ee magaalada Jeddah, iyadoo ay aaskiisa ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan oo isugu jiray eheladiisa iyo cayaaryahanadii waagii beri samaadkii oo uu hogaaminayey Goolhaye: Jeylaani Khaliif, sidoo kale waxaa aaska kasoo qeyb galay Gudiga xiriirka kubadda Cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed xaafada Caneykish.
Waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh ka diraya dhamaan:
1- Siid Cali Cusmaan AJKA
2- Cali Shiikh Cadow
3- Jeylaani Khaliif
4- Maxamed Xaaji
5- Awees KULUU
6- Awees Amiin Cabdalla
7- Murjaan Marsuuq SiidCali
8- Maxamuud Sheekh C/qaadir “diyeeshe”
9- Ismaaciil Nuur “Australia”
10- Muuse Maxamed “Goobe”
waxay ALLE uga rajeynayaan Marxuumka inuu Janadii FIRDOWSA ka waraabiyo, Ehaladii uu ka tegayna SAMIR iyo IIMAAN ka siiyo
INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Comments are closed.