Beesha Caloofi ee Gaaljecel oo Shaaca ka qaaday inay duubaneyso Ugaas cusub.

jiinka August 18, 2012 Comments Off
Beesha Caloofi ee Gaaljecel oo Shaaca ka qaaday inay duubaneyso Ugaas cusub.

Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahno, Culimaa’udiin, Haween, Dhalinyaro, Indheergarad iyo qeybaha kala duwan ee beelsha Caloofi oo ka mid ah beelweynta Gaaljecel ayaa waxay shaaca uga qaadeen inay kalsoonidii kala laabteen wakiilka Ugaaska beesha Gaaljecel C/raxmaan C/laahi Ugaas iyo guud ahaan beesha beesha reer Xaaji-saalax oo ka mid ah beelaha Gaaljecel.

Warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray oo uu warbaahinta u aqriyey nabadoonka guud ee beesha Caloofi ee Gaaljecel C/qani Sheekh Maxamed Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in beesha Caloofi ay todobaadka dambe duuban doonto Ugaas cusub, wuxuuna intaasi ku daray inay wilaayadii ama kalsoonidii kala laabteen Ugaaska beesha Gaaljecel wakiilkiisa oo ay ku eedeeyeen inuu musuqmaasuqay Kursigii Xildhibaanno ee ay beeshu laheyd, isla markaasna uu ka iibsaday mid ka mid ah beelaha Hawiye.

 

“Annagoo ah Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahno, Culimaa’udiin, Haween, Dhalinyaro, Indheergarad iyo qeybaha kala duwan ee beelsha Caloofi oo ka mid ah beelweynta Gaaljecel waxaan si buuxda u sheegaynaa inaan kalsoonidii kala laabanay C/raxmaan C/laahi Ugaas iyo beesha reer Xaaji-saaxlax ee beesha Gaaljecel, waayo waxay si aan gambasho laheyn u musuqmaasuqeen xildhibaanadii aan ku laheyn Baarlamaanka cusub, waxayna kuraasteena ka iibsadeen beelaha kale ee Hawiye, taasina waxay keentay in beesha Caloofi ay ay duubato duub cusub oo u gaar ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 24-Odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin isugu jira.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in qodobada ugu weyn ee beesha Caloofi kalsooni kala laabashadeeda ay keeneen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-

1. Mudadii 21-sano aheyd ee uu dalku ku jiray burburka waxay gabeen beesha Reer Xaaji-saalax iyo Ugaaska doorkii nabadeynta dhaqanka iyo mideynta jilibyada beesah Gaaljecel dhexdooda iyo xallinta khilaafaadka beelaha deriska la ah beesha Gaaljecel.

2. Waxay ka qeybqaateen dagaaladii dhexmaray beesha dhexdeeda, taasina ma ah wax lagu yaqaano duudabka dhaqanka Soomaaliyeed.

3. Waxay si aan xishood iyo gambasho laheyn u gateen kursiga Xildhibaanada ee ay beesha Caloofi laheyd xilligii Imbagati kuna wareejiyeen beel ka mid ah beelaha Hawiye.

4. Waxay iska indha-tireen xuquuqda iyo miisaanka jilibyada Caloofi oo ah beesha keliya ee wada degta dhammaan gobolada ay beesha Gaaljecel degto.

5. Waxay si cad u musuqmaasuqeen xuquuqdii ay laheyd beesha Caloofi, isagoo wakiilka Ugaaska aan wax wadatashi ah la sameynin beelweynta Gaaljecel, wuxuuna jeebkiisa ka maamushay qaabka uu hadda u soo xulay xildhibaanada cusub.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay kulankii ay yeesheen beesha Caloofi xubnaha ku saxiixnaa waxaa ka mid ah:-

 

1. Nabadoon C/qani Sheekh Maxamed Xaaji
2. Caddaay Cismaan Rooble
3. Maxamed Ibraahim Cadde
4. Cadaay muudey Nuuni
5. Xuaseen Cabdi Magaalo {Dhacdhacoow}
6. Nagaar Maxamed Hilowle
7. Xaaji Maxamuud Cabdi Faarax
8. Cali Maxamed Xuseen
9. Abuukar Cusmaan Aalow
10. Xaaji Cabdi Cagoole
11. Cumar Canshuur Ibraahim
12. Aadan Cismaan Muudeey {Gardhuub}
13. Xaaji Aadan Cali Cilmi {Goobe}
14. Axmed Iidow Cumar
15. Macalin Shiiraar Muxumad Cusmaan
16. Maxamed Cumar Cusmaan
17. Xuseen Ibraahim Aadan
18. Xaaji Geeddi Muumin
19. Cabdi Cumar Cusmaan
20. Muuse Haaruun Aadan
21. Maxamed Cali Shuukay
22. Maxamed Maxamed Cumar {Kuulow}
23. Aamina Muuse Maxamed
24. Ruqiyo C/dulle Cali
25. Xidlhibaan Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaney.

 

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.