Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in gobolkaasi uu dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah iyaguna.
Sida warku sheegayo dagaalka oo socday muddo saacad ka badan,
la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu yimid ka dib markii ka dib markii ciidamada Xarakada Al-shabaab weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Yaaqbari weyne iyo deegaanka Leego ee gobbolka Shabeelaha Hoose,
waxaana la sheegay in dagaalka oo cuslaa uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Saraakiil u kala hadashay dowladda iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka,
iyadoo afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay in dagaal saf-balaaran ah oo ay ku qaadeen fariisimada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Yaaqbari weyne iyo Leego ay ku dileen askar badan,
isla markaasna ay ka qabsadeen ciidamadii ay weerareen sida ay yiraahdeen hub faraban,
wuxuuna ku dooday afhayeenka u hadlay Al-shabaab inay khasaare soo gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhinaca kale sarkaal isna u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gaadmo ahaa oo ay ku soo qaadeen ciidamada Al-shabaab,
wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadii soo weeraray ay gaarsiiyeen khasaare xoogan, isla markaasna ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan halkii ay ka soo duulaan-tageen,
wuxuuna intaasi ku daray in markii ay ka warheleen weearka ay wadada u sii galeen ciidamada Al-shabaab ee weerarka damacsanaa, khasaare lixaad lehna ay gaarsiiyeen sida uu yiri.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.