(Captain Caasha Taraafiko) oo dib u soo ceshatay heybadii ay ku laheyd dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

xeydar November 11, 2012 Comments Off
(Captain Caasha Taraafiko) oo dib u soo ceshatay heybadii ay ku laheyd dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Caasho Xasan Xuseen ( Caasha Taraafiko) waxay Noqotay Haweenaydii Ugu Horaysay oo dhowaan Dhoola tus ka samaysay Wadooyinka Muqdisho iyadoo Moto wadata Roondana ku Samaynaysa qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir, waxaana arrintan u daabasho tagay Dad badan oo hore u arag Haweeney Boolis ah oo Mooto ku wadata magaalada caasimada Muqdisho.

 

Captain Caasho ayaa noqotay Haweenaydii Ugu Horaysay iyadoo Moto wadata Dhex Martay Muqdisho 21 sano ka dib.

 

Caasha ayaa sidoo kale ah Madaxa Qaybta la Dagalanka Dhibatooyinka ka dhanka ah Haweenka ee Qaybta Booliiska Muqdisho.

 

“waan ku Faraxsanahay anigoo lebisan Dareeskan Qurxoon inaan xoogga Saaro Yaraynta Dhibatooyinka ka dhaca Gudaha Muqdisho” ayay Tiri Caasha.

 

Caasha ayaa noqotay Hawenayda Keliya ee Boqolal Haween Boolis Qaab ahaan u Qalanta Jagada ay Hayso iyo Qaab Lebiska Ciidan ee Sharciga ah.

 

Caasha ayaa Ku Boorisay Madaxda sare in ay Dhinacyada Shaqada iyo Tababarada ay u Sinaadan Dumarka iyo Ragga wada shaqeya.

Markaad eegto Sawirka Caasho waxaa ku Muuqanayso In Caasho ay ka Muuqato Heybad Sare oo Ciidan Isla markaana qaab ahaan ay kaga Qurxoontahay Haweenka Kale Dunida ee Booliska ah.

 

Captain Caasha ayaa kamid ah 6,000 oo Boolis oo ku howlan soo celinta Sharciga iyo kala Dambaynta Dalka Soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

Comments are closed.