Qarax ka dhacay inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa geystay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaas oo ka dhacay bar-koontarool oo laga galo dagmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana la sheegayaa in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay, Labo kalena ku dhaawacmeen.
Qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo Baar Ismaaciil ayaa waxaa loogu talo galay in lagu waxyeeleeyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, balse waxaa la sheegaya in uusan hal askari waxna ku noqon,
waxaana ku dhaawacmay saddex ruux oo rayid ah oo markii dambe mid u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aya goobta qaraxa uu ka dhacay tagay ayaa baaritaanno ka wada goobta uu ka dhacay qaraxa, mana la sheegin cid ay u qabteen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.