Midowga yurub iyo Jaamacadda carabta oo si gaar ah uga wadahadlay arrimaha dalka Soomaaliya

jiinka November 8, 2012 Comments Off
Midowga yurub iyo Jaamacadda carabta oo si gaar ah uga wadahadlay arrimaha dalka Soomaaliya

Jaamacadda carabta iyo Midowga Yurub ayaa ka wadahadlay arrimaha dalka Soomaaliya, ka dib kulan saacado badan qaatay oo ay magaalada Qaahira ee xarunta Jaamacadda carabta ku yeesheen Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-carabi iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika.
Kulanka ayaa si weyn looga hadlay isbedeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya,

magacaabista Ra’isul wasaaraha iyo dhismihii Golaha wasiirada ee cusub iyo doorka haweenka ee Xukuumaddaasi iyo doorka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya,

waxayna labada nin isku afgarteen in la xoojiyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Jaamacadda carabta ee ku aadan arrimaha dalka Soomaaliya.

Mr. Nabiil Al-carabi ayaa warbaahinta u sheegay inay isku afgarteen isaga iyo sarkaalka ka socday Midowga Yurub in taageero dhinac walba ah loo fidiyo hay’adaha dowladda cusub ee Soomaaliya,

sidoo kalena ay Midowga Midowga Yurub iyo Jaamacadda carabtu ay xoojiyaan iskaashigooda ku aadan Soomaaliya,

sidoo kalena gacan la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan,

wuxuuna intaasi ku daray in dhammaan qodobadii ay ka wadahadleen oo ku saabsanaa Soomaaliya iyo Suudaan ay si buuxda isugu afgarteen sida uu yiri.

Dhinaca kale warqad uu u diray xoghayaha guud ee Jaamacadda carabta Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa waxa uu ku sheegay inay lagama maarmaantahay in xal dhab ah loo helo arrimaha murugsan ee bariga dhexe,

sidoo kalena la helo dowlad ay leedahay Falastiin, isagoo sheegay in dowladaha carabta ay diyaar u yihiin inay iskashi kala yeeshaan dowladda Mareynkanka xalinta mushkiladaha ka jira adduunka gaar ahaan Bariga dhexe iyo qaaradda Afrika,

isagoo tilmaamay in weerarkii lagu qaaday warshaddii hubka ee dalka Suudaan uu ahaa weerar argagixiso, laguna xadgudbay madaxbanaanida dalka Suudaan.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.