Ciyaartooyda xulka kubadda cagta Qarankeenna Soomaaliya ayaa u ambabaxaya dalka Ugandha halkaasi oo ay kaga qeybgalayaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Qaarada Afrika oo sanadkan ay Ugandha marti gelineyso.
Munaasabad lagu sagootinayo Ciyaartooyda Xulka Qaranka kubadda Cagta Dalkeenna Soomaaliya ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayadoo munaasabadaasina ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka kala socota xiriirka Kubadda Cagta Dalkeenna iyo Dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Dalkeenna Soomaaliya ayaa kula dardaarmay ciyaaryahannada kubadda cagta Xulka Soomaaliya iney xasuusnaadaan mas’uuliyadda saaran oo ah iney magaca Qaranka Soomaaliya metelayaan waxaana ay u rajeeyeen iney tartankaasi guullo la taaban karo kasoo hooyaan.
Ciyaartooyda ku wehliya safarkooda ayaa soo sheegaya in diyaargarowga Ciyaaryahannada Xulka Kubadda Cagta Dalkeenna uu sanadkan yahay mid aad u sareeya oo guullo la rajeynayo iney kasoo hooyaan tartanka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.