Kulan degdeg ah oo dhex maraya Madaxwaynaha Soomaali iyo Saraakiisha Amisom

jiinka November 7, 2012 Comments Off
Kulan degdeg ah oo dhex maraya Madaxwaynaha Soomaali iyo Saraakiisha Amisom

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka carooday wafdi isugu jira dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo galabta laga soo celiyey Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa kulan degdeg ah oo uu arrintaas uga hadlayo uga yeeray saraakiisha sarsare ee ciidamada AMISOM.

Kulanka oo ah mid si degdeg uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa waxa sababay in saraakiisha Kenya ee ka tirsan AMISOM ay uga soo celiyeen wafdigaasi magaalada Kismaayo.

Kulanka oo ah mid albaabadu u xiran yihiin ayaa goor dhow ka bilowday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ah madaxda Sare ee Taliska Amisom oo uu hogaaminayo Taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti.

Wixii ka soo baxa kulanka haddii uu Alle idmo dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa ee mar walibalasoco shabakadda wararka ee Jiin wabi.net
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.