Barxadda ay gaadiidka dhigtaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya xilliga ay ku shirayaan xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhow ka dhacay qarax xooggan.
Qaraxaas oo ahaa Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku hor qarxay agagaarka Masaajidka Isbaheysiga oo leh barxad weyn oo xildhibaannadu ay gaadiidka dhigtaan,
waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ka fashilmay kooxdii wadatay isagoo dacay xill mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala dareereen goobta.
Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxaas uu ku dhintay hal qof oo sida la sheegay ku jiray gaari u dhawaa goobta qarxa uu ka dhacay.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa waxaa la sheegayaa in uu burburiyay dhowr gawaari oo goobta yaalay, inkastoo intii badnayd gaadiidka Xildhibaanada ay ka kaxeysteen goobtaas.
Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa gaari lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa oo ahaa nooca raaxada loo yaqaano, waxayna sheegeen in qaraxu ahaa mid ku xirnaa waqti go’an, kaasoo in muddo ah goobta yaalay, balse mar dambe uu qarxay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.