Sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) maalinta sabtida ee soo socota ayay ku ballansan yihiin in Golaha wasiirrada xukuumada cusub la horkeeno Baarlamaanka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.
Mr.Jawaari oo maanta hadal ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay soo xaadiraan Sabtida soo socota si ay codka kalsoonida ugu qaadaan Golaha xukuumadda cusub.
Kulanka uu maanta yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay uga doodeen xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan afarta sano ee soo socota.
Kulanka ayaa waxaa maanta hareeyay kala aragti duwanaansho, inkastoo mararka qaar ay isku soo dhawaanayeen dhinaca fikirka, waxaana markii dambe loo xil saaray guddi ka soo tala bixiya xeer hoosaadka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.