Odayaasha dhaqanka “Beesha caalamka ayaa caqabad ku ah soo xulista baarlamaanka cusub”

jiinka August 17, 2012 Comments Off
Odayaasha dhaqanka “Beesha caalamka ayaa caqabad ku ah soo xulista baarlamaanka cusub”

Malaaq Maxamed Yacquub oo ka mid ah Odayaal iyo waxgarad kulan shalay la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa sheegay inay u gudbiyeen in beesha caalamka ay ka hor istaagsan tahay soo xuliska baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Malaaqa ayaa sheegay in waqtigii loogu talo galay xildhibaanada baarlamaanka ay gudbiyeen laakiin laga hor yimid,waxaana uu xusay in dhankooda ay dhaliil ka muuqato sidii la rabay in howsha ay u qabtaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay Malaaq maxamed Yacquub in lagu soo celiyay xildhibaano baarlamaanka cusub loo rabay oo loo gudbiyay gudiga soo xuliska baarlamaanka taasina ay tahay caqabad beesha caalamka ay wadato sida uu hadlaka u dhigay.

Waxaa maalmahanba soo baxayay eedeymaha ku salaysan qaabka loo soo xulayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Dhanka kale C/laahi Sheikh Ismaaciil oo lashaaciyay in laga saaray xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid sharci daro ah sida uu hadalka u dhigay,

Waxaana uu xusay inuu yahay aqoonyahan wax ka qaban kara xaaladda dalka sidoo kale wuxuu sheegay inaysan jirin wax dambi dagaal ah uu horay u galay sida uu hadalka u dhigay,

Ugaas Axmed ugaas Siid cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay xildhibaanada laga soo celiyay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya .

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.