Wafdi Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Kismaayo oo safarkooda la hor istaagay

jiinka November 6, 2012 Comments Off
Wafdi Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Kismaayo oo safarkooda la hor istaagay

Wafdi heer qaran ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u diray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa laga hor istaagay safarkooda, isla markaana loo diiday tagitaanka Kismaayo.
Wafdiga oo ka kooban Saraakiil Ciidan Wariyayaal iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa tagitaanka magaalada Kismaayo u diiday Ururka Raaskambooni ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo.
Wafdiga oo Kismaayo ugu socday sidii ay u soo indha-indheyn lahaayeen xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo sidii ay u soo ogaan lahaayeen halka ay mareyso xaaladda dhuxul dhoofinta oo uu horey u mamnuucay Madaxweynaha dibna loo bilaabay ayaa markii ay isku diyaariyeen Garoonka ayna timid diyaarad gaar ah oo qaadi lahayd ayaa la sheegay in Maamulka Kismaayo gacanta ku haya ay Taleefan kula soo xiriireen madaxtooyada Muqdisho ayna ku wargaliyeen in Wafdigaasi magaalada imaan karin.
Lama oga sababta laakiin warar is khilaafsan oo ka soo baxay ayaa sheegaya in uu jiro Khilaaf Madaxtooyada iyo Maamulka Raas kambooniyiinta u dhexeeya.
Warkaan waxaa noo xaqiijiyay Wariyayaashii ka midka ahaa ee wafdiga u raaci lahaa Kismaayo..

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.