Guddoomiyaha Baarlamaanka oo amar ku bixiyey in…..

jiinka November 6, 2012 Comments Off
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo amar ku bixiyey in…..

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa amar ku bixiyay in xildhibaanada dalka ka maqan ay degdegt dalka dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyo howlaha horyaala Baarlamaanka.
Baarlamaanka oo maanta kulan ky yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay in hadda kadib aan loo dulqaadan doonin Xildhibaan dibadda isaga maqnaada maadaama ay mudanayaasha u yaalaan howlo kala duwan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ay u tahay maalintii labaad oo kulan ay uga doodayaan xeer hoosaadka Baarlamaanka ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayaa lagu wado in mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumadda cusub, waxaana la filayaa in todobaad kadib Baarlamaanka Soomaaliya la hor geeyo Xukuumadda cusub si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.