Marwo Amina Hersi Moghe, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah oo magac iyo maamuus heerkiisu aad u sareeyana ku leh guud ahaan Qaaradda Afrika kana mid ah ganacsatada ugu caansan uguna hantida badan dalka Uganda iyo Kenya ayaa waxey hambalyo iyo bogaadin aad u balaaran u dirtay Marwo Fowsiya Xaaji Aadan oo ra’iisul wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada federaalka soomaaliya loo magacaabay.
Marwo Amina Hersi Moghe ayaa casuumad u fidisay Wasiirada cusub ee Arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Xaaji Aadan ,
taas oo ay ku iman doonto dalalka Kenya Iyo Uganda, waxayna Marwo aamina Xersi sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay una soo dhaweynayso xilkan culus ee loo magacaabay Marwo Foosiya,
iyadoo xustay in ay tahay Haweenay karti iyo waayo aragnimo dheeraad ah iyo aqoonba u leh gudashada xilkan ballaaran ee loo magacaabay,
dhinaca kale waxey marwo Aamina xersi sheegtay in ay Marwo Fowsiya wax badan ka qaban doonto dardar gelinta hawlaha Wasaaradda arrimaha dibadda,
waxaanay Ilaahay uga bariday in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka xilkan culus ee loo magacaabay.
Marwo Amina Hersi Moghe, oo ku guulaysatay sanadihii u danbeeyay abaal marinta la siiyo Ganacsata ugu maalgashiga badan dalka Uganda,
ayaa noqotay haweenay magac iyo sharaf weyn u soo jiiday dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyada oo mashaariic aad u tiro badan oo kala duwan ka fulisay dalalka Uganda iyo Kenya kuwaas oo ay ku jiraan dhismayaal casri ah ,
Super Market -yo aad u waaweyn , Mall-al , kuwaas oo ay ka shaqeeyaan kumanaan qof .
Marwo Aamina xersi ayaa ka mid ah ganacsatadii sida weyn gacanta ugu geystay gurmadkii abaaraha ee 2011 loo geystay shacabkii soomaaliyeed ee dhibaatada xooga lahi kasoo gaartay iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka uganda oo ay hormuud u tahay Marwo aamina xersi ay bixiyeen lacag dhan 260 kun oo dollar,
Dahab iyo dhar taas oo si weyn loogu xusuusan karo Marwo Aamina Xersi doorkii lixaadka ahaa ee ay ka qaadatay u kaalmeynta Soomaalida dhibaateysan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.