Wararka naga soo gaaraya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya ayaa waxay sheegayaan in doon ay la socdeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo ay ku jiraan wariyaal ka cararay dilalka iyo ugaarsiga lagu hayo wariyaasha,
kana howlgeli jiray qaar ka mid ah Idaacadah Muqdisho ayaa ku dhintay biyaha u dhaxeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiyo ka dib markii ay degtay doonidii ay la socdeen, waxaana la sheegay in meydadkooda la helay sedex qof oo Soomaali ah.
Warsaxaafadeed ay soo saareen shalay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxay ku sheegeen in laba doomood iyo markab ay leeyihiin ay badda ka soo saareen 70-qof oo Soomaali ah,
kuwaas oo la sheegay inay nool yihiin, balse ay xalaadoodu darantahay,
wuxuuna warku intaasi ku daray in sedex ka mid ah dadkii tahriibka ahaa ay dhinteen.
“Doonidu waxay ku degtay meel 35-mayl u jirta biyaha Liibiya shalay, runtii weli waxaan wadnaa baaritaano kala duwan oo aan ku ogaaneyno inay dad kale ku dhinteen biyaha” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo intaasi ku daray in dadkii la badbaadiyey loo qaaday dhinaca Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, balse lama sheegin doonida inta qof ee la socday.
Maraakiibta ciidamada badda Talyaaniga iyo diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa ku jira baadi-goobka dad kale oo doonida ka badbaaday ama kuwo dhintay,
iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo tahriibayaal Soomaaliyeeed ay dooni kula degto biyaha u dhaxeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiya,
inkastoo arrinka cusub ay tahay wariyaal ka cararay geeri ay ka mid noqdeen sida la sheegay dadkii ku dhintay doonisaasi tahriibka aheyd.
Si kasta oo ay ahaataba kumannaan qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay sanooyinkii la soo dhaafay badda Mediterranean-ka xilli ay isku dayayeen inay u gudbaan dalalka Yurub,
iyadoo kumanaan kalena ay si nabad ah ku gaareen dalka Talyaaniga iyo Jasiiradda Malta oo ay uga gudbeen dalalka kale ee Yurub,
waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyee aysan ku waano-qaadan dhibkaasi xanuunka leh ee markasta soo gaaraya dadka tahriibayaasha ah.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.