Guddoomiyaha maamulka ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Sheekh Axmed Madoobe} oo hadda ah Guddoomiyaha KMG ah ee maamulka loo sameeyay magaalada Kismaayo ayaa markii ugu horeysay waxa uu shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyenimada maamulka Jubbooyinka inuu qabto.
Sheekh Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dhawaan la sameyn doono maamul gobalaeed u gaar ah gobalada Jubbooyinka,
kaas oo lagu dhisi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose,
wuxuuna intaasi ku daray inuu isagu u sharaxanyahay qabashada xilka Guddoomiyenimo ee maamulka Jubbooyinka oo ay ku jirto magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in musharaxnimadiisa uu kala hadlay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay in todobaadka soo socda ay magaalada Kismaayo ay gaari doonaan sida uu yiri ergo ka socota ururo caalamig ah,
dowladaha deriska ah iyo waliba qurba joog ka soo jeeda gobaladaasi,
isla markaasna la qaban doono shirweyne maamul lagu sameynayo magaalada Kismaayo iyo guud ahaan maamulka loo sameynayo gobolada Jubbooyinka.
“Aniga ka Axmed Madoobe ahaan waxaan ahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoomiyenimada maamulka Jubbooyinka ee dhawaan la dhisi doono,
musharaxnimadeyda waxaan kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, cid kasta oo Soomaali ahna way isa soo sharixi-kartaa oo keligay ma sharaxni” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo xusay in amniga magaalada Kismaayo ay si weyn u sugeen sida uu yiri.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan iyo Guddoomiyaha ururka Raaskambooni uu shalay si rasmi ah u fasaxay dhoofinta dhuxusha oo uu horay uga dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inay fasaxdo,
balse markii ay wax jawaab ah uu siinwaayey uu si iskiis ah isagu u fasaxay, lamana oga waxa ay ka dhihi doonto arrinkaasi dowladda cusub ee Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.