WAR DEG DEG AH:- Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

jiinka November 4, 2012 Comments Off
WAR DEG DEG AH:- Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in daqiiqado ka hor si rasmi ah loogu dhawaaqay Golaha wasiirada Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo muddo dheer la sugayey, waxaana wasiirada ka mid ah wasiiro horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladdii Farmaajo oo uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi.
Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa tiro ahaan waxaa laga dhigay 10-wasiir oo uu ku dheganaa Madaxweynaha Soomaaliya,

waxaana wasiirada la magacaabay ku jira haweenay ka soo jeeda deegaanada Somaliland oo loo magacaabay wasiiradda arrimaha dibadda ahna Ra’isul wasaare ku xigeen.
Magacyada wasiirada cusub iyo xilalka loo kala dhiibay oo aan helay ayaa waxay kala yihiin sida tan:-
Hadaba waa kuwaan qaar kamid ah Wasiirada ee aqriso magacyadooda iyo xilalkooda:-
1- Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda
2- C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo Awqaafta
3- C/xakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga
4- C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
5- Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka
6- C/llaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaraedda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

7- C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

8- Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska
9- Maryan Qaasim Wasiirkii Hormarinta adeega bulshada
10- Axmed Maxamuud Xasan Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga.

Aqristayaasheena sharafta lahow waxaan saacadaha soo socda haddii uu Ilaah idmo idiin soo gudbin doonaa wasiirada iyo qabiilada iyo jufooyinka ay ka soo kala jeedaan oo faahfaahsan.

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.