Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay maalintii labaad Muqdisho ka wadaan howlgalo ka dhan ah askarta lebisan dareyska ciidamada iyo kuwa hubka wata ee xaafadaha Muqdisho iska dhex mushaaxaya.
Howlgalkan oo lagu baahiyay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa uu afhayeenka ciidamada xooga dalka Jen.
Cali Caraaye Cosoble Gacma-duule uu sheegay in howlgalkan ujeedkiisu yahay sidii Ciidamada iyo kooxaha kale ee falalka amnidarada wada looga hortagi lahaa,
wuxuuna sheegay in howlgalka uu saakay ka socdo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Waxa uu Jen. Gacma-duule sheegay in ay qabteen rag badan oo isugu jira kooxihii shiddada waday iyo kuwo dharka ciidamada gishan ee hubka wata.
Waxa uu Gacma-dulle sheegay in aan la ogolaan doonin askar si maalayacni ama amar la’aan goobahooda shaqo uga soo tagtay,
isla markaana dhex mushaaxaya Xaafadaha, isagoo xusay inay jiraan rag burcad ah oo aan ciidamada ka tirsaneyn, balse dareyska milateriga wata.
Dhanka kale Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay Hay’adaha iyo Hotelada ka furan magaalada Muqdisho in ay hubkooda sharciyeeyaan, isla markaana ay ilaaladooda u sameeyaan dareys u gaar ah oo lagu aqoonsado.
Tan ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ay soo bateen rag wata dareyska ciidamada dowladda oo dhac iyo handadaad u geysanaya dadka rayidka.
Sidoo kale waxaa Muqdisho si aad ah ugu badan askarta isku wada lebiska ah iyadoo askariga milateriga ah, kan Booliska, kuwa ilaalada ka haya saraakiisha dowladda iyo xildhibaannada,
kuwa u shaqeeya hay’adaha samafalka ay dhamaantood xiran yihiin dareyska ciidamada milateriga oo aan lakala aqoonin askariga dhabta ah iyo midka isu ekeysiinaya askarta dowladda ee dadka rayidka dhaca u geysanaya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.