Kulanka ayaa ahaa mid ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah waxana looga hadlayay sidii hogaan hagaagsan ee samata bixiya Shacabka Soomaaliyeed u hanan lahaa dalka.
Waxaana taageero loogu muujinayay Ra’isil Wasarihi hore ee Dalka haatana ah Musharax u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya Maxamad Cabduulahi Farmaajo.
Ugu horayn kasoo qayb galayaashii kulanka ayaa Isweydaarsaday Afkaarahooda ku aadan waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee laga doonayo inuu ku sifoobo Shaqsiga noqonaya Madaxweynaha Dalka Soomaaliya .
Ugu dambayn dadkii kasoo qayb galay kulanka ayaa sidoo kale codka siiyay Ruuxa ay Isdhahayaan wuu mudanyahay qabashada hoganka Dalka waxayna shegen ina aanan loga habooneyn Maxamad Cabdulahi Farmajo inuu hogaamiyo Dalka Soomaaliya iyago baaq u diray Baarlamanka cusub ee soo dhisaya Xukuumadda cusub.
Waxaa u Tartamaya illaa hadda Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya Musharixin ay tiradoodu kor u dhaafayso 30 Musharax qaarkood ayaa xillal horay uuga so qabtay Dowladihii Dalka Soomaray kuwana haatanba wey ka hayaan inkasto ay jiraan kuwa ku cusub Maslaxa Siyaasadda Soomaaliya una badan Qurba jog
Shacabka Somaaliyeed oo iyagu nasiib u yeellan inay codkooda dhiibtana ayaa ka dhur sugaya 275 Xildhibaan ee laso xulayo Qofka ay u dhiibaan hogaanka Dalka
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.